Maamulka Gobalka Banaadir oo diiradda ku haya Dakhliga Canshuurta ee Xeradda Xalane.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Radio Dalsan u sheegay inuu Maamulka Gobalka Banaadir qorsheynayo markii ugu horreysay in Canshuur laga qaado Xarumaha Ganacsiga ee ka dhex furan Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa la filayaa inay magacaabaan Guddi ka soo shaqeeya Nidaamka ugu fudud ee Lacagha Canshuuraha looga qaadi karo Hoteeladda, Baarar, Carwooyin, Goobo lagu caweeyo, Xafiisyadda Shirkadaha Qandaraaslayaasha, iyo goobo kale oo Gnaacsi oo  ka  dhex furan Xeradaasi, oo ay wada deggan yihiin Danjirayaal, Diplomasiyiin, Saraakiisha QM, kuwa AMISOM iyo kuwa Hay’addaha Caalamiga.

Guddiga waxay kaloo soo tiro-koobi doonaan Tirada Xarumaha Ganacssiga ee  Xerada Xalane ee ay ku waajibtay in laga qaado Canshuurta.

Guddiga waxay Wasaaradda Maaliyadda ee XFS kala xaajoon doonaan Nidaamka Hab-raaca Canshuuraha laga qaadayo goobaha Ganacsiga ee Xeradda Xalane, waxaana laga yaabaa inay caqabado kala kulmaan sidii Canshuur looga qaadi lahaa Xeradda Xalane oo la og yahay inay tahay Deegaan ka madax bannaan Maamulka Gobalka Banaadir iyo kan Degmadda Wadajir.

Si kastaba ha ahaatee, Tallaabadaasi ayaa ah qorshihii ugu horreeyey ee Maamulka Gobalka Banaadir ee uu abid ka fekero sidii Canshuur looga qaadi lahaa Xarumaha Ganacsiga iyo Xafiisyadda Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa NGO-ga ee Dhaqdhaqaaqyadda Ganacsiga ee aan muuqanin ku dhex leh Xeradda Xalane.

 

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media