DEG DEG: Wiil Dhalinyaro Kirishboy Ahaa oo Toorey Lagu Dilay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Isgooska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in waxyar ka hor lagu tooreeyey wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheeagay Axmed Cali Xassan oo gaari caasi ah kirishboy ka ahaa, kadib markii ay murmeen ragga rara gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano nacamleeyayaasha.

Ehelka marxuumka ayaa Radio Dalsan u xqiijiyey in Cabdi Xassan oo 26-tan jir ahaa uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerarkaas oo loo adeegsaday toorey , islamarkaana la sheegay in wadnaha looga dhuftay.

Inta badan darawalada, Kishbooyada iyo kuwa rara gaadiidka dadweynaha ayaa isku maan dhaafa lacago aad u yar oo la siiyo nacamleeyayaasha, taasoo sababta murankooda inuu isku badalo gacan ka hadal, waxaana ay ku hubeysanyihiin Tooreeyo, baankado Bud iyo waxyaaba kale.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media