Maamulka G/Banaadir oo kulan ka yeeshay qaadista Imtixaanaadka Shahaadiga

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shir ay yeesheen waxaa ay uga hadleen u diyaar garowga sugida Amniga Imtixaanaadka Shahaadiga oo ay qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Todobaadka soo socda ka bilaabmaya Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in inta uu socday Shirka looga hadlay qaabka loo qaadayo Imtixaanaadka Shahaadiga oo ay galaan kumanaan Arday oo dhameeysatay Waxbarashada Dugsiga Dhexe iyo Sare.

Sidoo kale Saalax Dheere ayaa waxaa uu tilmaamay in waaxda Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir ay bandhigeen qorshaha uu ku socon doono Imtixaanaadka Shahaadiga iyo sidii laamaha amniga uga qeyb qaadan lahaayeen sugida amniga goobaha Imtixaanaadka.

Todobaadka soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho iyo deegaanada maamul Goboleedyada dalka uu si rasmi ah uga bilowdo qaadida Imtixaanaadka Shahaadiga oo ay qaadeyso Dowladda Federaalka sanad Dugsiyeedka 2020-2021.

Ardeyda dhammeeysatay sanadkaan waxbarashada Dugsiga Dhexe iyo Sare ayaa wada diyaar garoowgii ugu dambeeyay ay ku galayaan Imtixaanaadka Shahaadiga, iyadoona xusid mudan tahay in sanadkii hore Gobolka Banaadir ay ka dhaceen Imtixaankii ay qaaday Wasaaradda Waxbarashada Arday farabadan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor