Ciidanka Booliska Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa arroornimadii hore ee saakay Kaantaroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso ku qabtay khamri farabadan oo la doonayay in si qarsoodi ah loo geliyo Magaaladaas.
Taliska Booliska Gobolka oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay in Askar ka tirsan Ciidanka ay doonayeen inay qarsoodi ku geliyaan khamriga gudaha Boosaaso, hayeeshee ay ka hortageen Ciidamada joogay Kaantaroolka Magaalada.
Waxaa uu sheegay Taliska Gobolka Bari in dhalooyinka khamriga lagu soo dhex qariyay kaartoonada Saliida, isla markaana haatan ay socdaan baaritaano kala duwan oo ku aadan khamriga la qabtay iyo dadkii loo waday.
“Khamrigaan oo lagu soo guray Karaatiinta Saliida si aan loo moodin in ay ku jiraan dhalooyin khamri ah ayaa Hubin kadib waxa ay ciidamada ay ku guleesteen in ay gacanta ku dhigaan waxaana soconaaya Baaritaano khamrigaas iyo cidii loo waday” ayaa lagu yiri Qoraalka Taliska Booliska Gobolka.
Ugu dambeyn Taliyaha qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Ciidamada uga mahadceliyay dadaalkooda ku aadan qabashada wax kasta oo lidi ku ah amniga, waxana uu sheegay in ay kula xisaabtami donaan cid walba oo ay khuseeso in khamrigaan geliyaan Magaalada Boosaaso.