Heshiiska ayaa waxaa la saxiixay, kadib, markii ay labada dhinac Kulan socday muddo 3 maalmood ku yeesheen Caasimadda dalka Raashiya ee Mosko.
Ururka Al-fatax iyo XAMAAS waxay dhisi doonaa Gole Qaran oo cusub, oo ay xubno ka yihiin Siyaasiyiinta Falastiin ee masaafuriska ku maqan, si loo qabto Doorasho.
Heshiiskaa waxaa qeyb ka ah Kooxda Islamic Jihaad oo aan muddo dheer ku jirin Wada-xaajoodka Kooxaha Falastiin.
Dhinaca kale, ugu yaraan Nin ka mid ah Carabta ku dhex nool Yuhuudda ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay Tuulladda Al-hiran ee Koonfurta Yuhuudda muran ka dhashay Amar lagu burburin lahaa Dhismo ay dad Falastiiniyiin leeyihiin.
Sidoo kale, Xildhibaan Carab ka tirsan Barlamaanka Yuhuudda oo lagu magacaabo Ayman Codeh iyo dhowr kale ayaa lagu dhaawacay Toogashaadaasi.
©Radio Dalsan