Alle ha u naxariistee waxaa xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxana ka hadlay Maamulka Degmada Warsheekh.
Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Degmada Warshiikh Xasan Xaaji Mxamed Darafeey, ku xigeenadiisa iyo Dhammaan Xubnaha Golaha Deegaanka waxaa ay Tacsi Tiiraanyo leh waxaa ay u direen Ehelka iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabduqaadir oo loo yaqaanay Cabdi Kamaal Shiikhaay oo Caawa Makhribki lagu dilay Magaalada Muqdhisho Xilli uu gurigiisa uu Galayay.
Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in laamaha amniga dowladda ay baaritaano ka wadaan halku uu falku ka dhacay oo aheyd Siliga Ameerikaanka.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa horey uga dhacay dilal kala duwan oo geystay Askar, Mas’uuliyiin iyo dad shacab ah, waxaana inta badan falalka ka dhacay Magaalada Mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.