Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay halkaas Cudurka shuban biyoodka ugu geeriyooday Afar ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka degmadaas.
Xarumaha Caafimaada ee ku yaalla Jalalaqsi ayaa waxaa lagu soo waramayaa in la jiifiyay in ka badan 20 ruux oo uu soo ritay Cududka Shuban biyoodka oo halkaas siweyn uga dilaacay.
Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Caga-Joog oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa u sheegay in gudaha degmada iyo deegaano hoostaga uu ka dilaacay Cudurka Shuban biyoodka ah.
Sidoo kale Guddoomiye Caga-Joog ayaa waxaa uu tilmaamay in Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Jalalaqsii la geeyay dab badan oo uu soo ritay Cudurka , isagoona sheegay in aysan jirin Daawo ku fulin bukaanada halkaas ku sugan.
Isaga oo sii hadlaayay Guddoomiyaha ayaa waxaa uu Wasaaradda Caafimaadka dowladda Federaalka iyo Hirshabeelle ugu baaqay inay gargaar Caafimaad oo Deg-deg ah lasoo gaaran dadka la jiifa Cudurka Shuban biyoodka ah.
Cudurka Shuban biyoodka ah ayaa horey uga dilaacay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga, waxaana u geeriyooday dhowr qof oo ay ku jiraan Caruur yar yar, halka dad kalena ay weli la jiifaan.