Magaalooyinka Caabudwaaq, Gaalkacyo iyo Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta waxaa ka dhacay Bananbaxyo xoogan oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo shalay lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.
Boqolaal dadweyne oo isugu jira Dhalinyaro ah, Haween, Caruur iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay Waddooyinka ku yaalla Caabudwaaq, Gaalkacyo iyo Cadaado, kuwaasi oo sheegay ay taageersan yihiin Axmed Cabdi Kaariye oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug.
Sidoo kale dadka dhigayay Banaanbaxyada ayaa watay Sawiradda Madaxweyne Qoor-qoor iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, waxaana Magaalooyinka weli ka socda dabaaldagyo lagu taageerayo Madaxda Cusub ee Galmudug.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in saacadaha soo socda deegaano ka tirsan Galmudug laga qaban-qaabinayo banaanbaxyo kale oo taageero loogu muujinayo Madaxdii shalay lagu doortay Magaalada Dhuusamareeb.
Si kastaba Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Madaxweyne u doortay Axmed Qoorqoor, kaasi oo Maamulka Galmudug hogaamin doona Afarta sano ee soo socota.