Wasiirka waxbarashada Galmudug Maxamed xaashi Dhoore ayaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ka daah-furay imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee dugsiga Sare oo deegaannada Galmudug maanta ay ku galayaan in ka badan 2,500 oo arday, kuwaas oo qayb ka ah kumanaanka arday ee u fadhiistay imtixaanka dowladda.
Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada Galmudug Axmed Nuur Cusmaan Cali ayaa faah faahiyay tirada goobaha imtixaankani ka bilaabmayo wuxuuna sheegay in 2,500 oo arday ay u fariisteen deegaannada Galmudug.
Galmudug ayaa ka mid ah maamulada ka qayb galayay imtixaanka Qaran tan iyo markii wasaraadda waxbarashada dowladda faderaalka Soomaaliya ay dib u billaawday qaadista imtixaanka 2014-kii kaddib dowladdii dhexe ee dalka.
Dhinaca kale Madaxweyne ku-xigeenka 2-aad ee Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud ayaa si rasmi ah magaalada Kismaayo uga daah furay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee Jubbaland, kaasi oo ay qaadeyso wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.
1,014 arday oo ku sugan dhammaan deegaannada Jubbaland ayaa u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare.
Kusimaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada KG Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa Maanta Si rasmi ah Baydhabo ugu dahafureyay Imtixaanka shahaadiga dugsiga sare.
tirada Ardeyda Maanta Imtixaanka ufadhistey ayaa ah kudhawaad 3,500 oo ardey waxana uu ka qabsoomey 3-degmo ee ka mid ah KGS Baydhabo, Af-gooye iyo Marko.