Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo ku sugan Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa ku wajahan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.
Cadaado ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabadii ugu dambeeysay ee lagu soo dhaweynayo Madaxweyne Axmed Madoobe oo Maanta halkaas tegaya, isagoo kasoo ambabaxaya Magaalada Garoowe.
Dadweyne badan oo isugu jira Haween, Caruur, Odayaal iyo dhalinyaro ah ayaa lagu sii-diyaariyay halka laga soo galo Magaalada Cadaado, si ay usoo dhaweyaan Madaxweynaha Jubbaland.
Warar la helayo ayaa sheegaya in Maamulka Magaalada ay casuumaad u fidiyeen Axmed Madoobe, isla markaana uu aqbalay arrintaas Madaxweynaha, sidaasina uu tegayo.
Axmed Madoobe ayaa Magaalada Garoowe ee uu kasoo baxayo uga qeyb galay Aaskii loo sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax iyo Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Puntland Maxamed Cabdi xaashi.