Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay xubno ka tirsan Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka 30% oo gaaray Magaalada Baydhabo.
Kulanka dhexmaray Madaxweyne Lafta-gareen iyo xubnaha Guddiga ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka 30% ee golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xubnaha Guddiga ee ka qeyb galay kulanka ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed u sheegay in muhiim ay tahay ilaalinta qoondada Haweenka 30%, si ay qeyb uga noqdaan doorashooyinka dalka ka dhacaya, iyagoona xusay inay rajo wanaagsan qabaan.
Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka Batuulo Sh Axmed Gaballe ayaa horey Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ka dalbatay ilaalinta qoondada Haweenka ee doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka.