Madaxweynaha Maamulka  Koonfur Galbeed Soomaaliya C/Casiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa amaro Culus ku dul-dhigay Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo kuwa Gobolada Maamulkaas.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sheegay in Guddoomiye degmo kasta iyo kuwa Gobolada Koonfur Galbeed looga baahan yahay in muhiimada koowaad siiyaan sidii loo sugi lahaa amniga degmooyinka iyo Gobolada oo aysan ka dhicin falal amni darro.
Waxaa kale oo uu Lafta-gateen amray Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo kuwa Gobolada inay bilaaban qaadista lacagta Canshuurta, si sanadkaan daqliga maamulka uu isbede ugu yimaado, iyadoo dadka dhibaato loo geysan, lagana qaadayo oo kaliya Canshuur, isagoo uga digay in la musuq-maasuqo Canshuurtaas.
Isaga oo sii hadlaayay Madaxweynaha ayuu faray Mas’uuliyiinta inay joojiyaan is hor istaagta lagu sameeynayo Hay’addaha kala duwan ee Mashaariicda horumarineed ka fulinaya degmooyinka K/Galbeed, wuxuuna caddeeyay in arrintaas aan la aqbali doonin.
Madaxweyne Lafta-gareen ayaa Mas’uuliyiinta uu la kulmay kula dardaarmay inay yeeshaan wadashaqeyn iyo is dhex-gal, isla markaana aan la dhibaateyn shacabka degmooyinka ay Mas’uulka ka yihiin kunool.
Hadalkaan ayuu Cabdicaiis Lafta-gareen ka sheegay shirweyne wadatashi ah oo muddo shan maalmood Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay uga socday Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo kuwa Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.