Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay Xaalada amaanka ee deegaanada maamulkiisa iyo dilal qorsheyn oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka jubbada Hoose iyo deegaano kale.
Waxaa uu sheegay in Al-shabaab ay culays soo saareen deegaanada Jubaland, isla markana ay fuliyeen falal amaanka lid ku ah, isaga oo hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in shacabku ay laba jibaaran wada shaqaynta kala dhexeeysa hay’adaha amniga.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in marnaba Maamulka uusan ogolaan doonin dadka heysta hubka sharci darrada ah, wuxuuna Carabka ku dhuftay in tallaabo adeg laga qaadi doono cidii lagu qabta hub sharci darro.
Dhamaan Bulshada ayuu Madaxweynahu kala dardaarmay khatarta qabyaalada isagoo xusay in Midnimo lagaga gudbi karo caqabadaha taagan, wuxuuna ugu baaqay dhamaan shacabka Jubbaland inay gacmaha is qabsadaan.
Hay’adaha Dowlada ayuu Axmed Madoobe sheegay in ay doorkooda qaatan oo wacyi galinta bulshada ay xooga saaran, isagoo xusay in qaar badan oo shacabka kamid ah lagu marin habaabinayo waxyaabo aan sal iyo raad lahayn oo qabyaaladu ay ugu weyntahay.
Si kastaba hadalka Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay dilal qorsheysan ay ka dhaceen Magaalada Kismaayo iyo deegaano kale, wuxuuna hadalkaan ka sheegay Munaasabad ka dhacday Kismaayo.