labo Diyaarad oo ay Ciiddanka Yuhuudda lahaayeen oo lagu soo riday gudaha Syria.

Telefishinka Dowladda Syria ayaa sheegay inay Ciiddanka Difaaca Cirka soo rideen Diyaarad Dagaal iyo Dorones ay lahaayeen Yuhuudda, kadib markii ay soo weerareen Saldhig ay Ciiddanka Difaaca Cirka ee Milliteriga Syria ku leeyihiin Degmadda Quneytra oo ku dhow xuduudka Yuhuudda.

Wakaalladda Wararka u faafisa Dowladda Syria ee SANA ayaa sheegtay in Diyaaradda Dagaalka ee Yuhuudda saakayto lagu soo riday Galbeedka Degmadda Quneytra, halka Diyaaradda Droneska lagu soo riday Deegaanka Sacsa ee Degmadda Dimishiq Riif.

Dhinaca kale, Milliteriga Yuhuudda wey beeniyeen in labo Diyaarad looga soo riday gudaha dalka Syria, inkastoo ay sheegeen inay Diyaaradahooda duqeeyeen Saldhig ay Milliteriga Dowladda Syria ku leeyihiin Buuraha Golan Haytis oo ay Degmadda Quneytra ku taallo.

syria syria-and-israel

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media