Muqdisho(SONNA)-Madaxweynaha Dalka Kenya Mr: Uhuru Kenyatta iyo Raiisul-wasaaraha Dalka Itoobiya Mr: Hailemariam Desalegn ayaa goor dhow ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Mr:Uhuru Muigai Kenyatta wuxuu salaan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka Sida, waxaana loo galbiyey Qolka Shirku ka dhacayo, iydoo ay hor kacayaan Mootooyinka Ciidanka Booliska.
Mr Uhuru Kenyatta iyo Mr:Hailemariam oo garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin sare oo ka tirsan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, waxaana loo galbiyay goobta uu shir-Madaxeedka Urur-goboleedka IGAD uu ka dhacayo.
Wararka naga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhaw la filayo inay Wufuud kale oo ka tirsan Ururka IGAD ay yimaadaan Magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu ka dhacayo Shir-madaxeedka Wadamada ku bahoobay Ururkaasi.
Madaxweynaha JFS ayaa Gaaray Xarunta Shirka IGAD, si uu u soo dhaweyo Martida, waxaana Goor dhaw la filayaa in Madaxweyneyaal ka qeybgalaya shirka ay soo gaaraan Goobta Shirka ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne xasan Sh. oo soo dhaweynaya Raiisul-wasaaraha Dalka Itoobiya
Waxaa horey Magaalada Muqdisho u soo gaaray Wasiiru Arrimo Dibadeedyo ka tirsan IGAD oo ay ka mid ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Kenya Aamina Maxamed.
Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa amaankiisa aad loo adkeeyay.
Xigasho: SONNA