Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in kulan wadajir ah ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha Kulanka wadajir ah ee Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee Miisaaniayadda dowladda Federaalka ay ku shaqeyn doonto Sanadka Cusub ee 2020-ka.
Xildhibaanada ayaa xalay waxaa loo diray fariimo wargelin ah oo ku aadan in Maanta uu jiro kulan, isla markaana laga doonayo inay soo xaadiran, si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla Baarlamaanka.
Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa haatan ka socota qaban-qaabada uu ku furmayo kulankaas, waxaana Xarunta kasii qul-qulayada Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa shalay oo Sabti aheyd meel-mariyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, iyadoo Maalmihii lasoo dhaafay dood adeg ka yeeshay.