Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho laga qaado qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Muqdisho.
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa saakay waaberigii hore waxaa soo caga dhigatay diyaarad sida dhaqaatiir iyo Daawo, taasi oo ay soo dirtay dowladda Turkiga, isla markaana loogu talagalay dadkii waxyeelada kasoo gaartay Qaraxii shalay.
Sidoo kale Diyaaradan oo ah nooca Militeriga ayaa Muqdisho ka qaadi doonto dhaawacyada Culus ee Qaraxa, waxaana laga dejin doonaa dalka Turkiga, halkaas oo Xaalada Caafimaad loogu qaadayo.
Dhinaca kale dalka Turkiga gaar ahaan Xarumaha Caafimaadka ayaa waxaa ka socda diyaar garoow xoogan oo ku aadan sidii dhaawacyada markii halkaas la geeyo loo dhigi lahaa Xarumaha Caafimaadka.
Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda walaalaha aanu nahay ee Turkiga sida walaaltinimada leh oo ay ugu taagan tahay ka jawaabista baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo gurmadyada deg dega ah xiliyada ay musiibooyinku ka dhacaan Muqdisho.
Qarixii ee shalay ka dhacay Ex-kantrool Afgooye ayaa sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac,iyadoo dowladda Soomaaliya ay xoogga saartay sidii dadka dhaawacyada culus qaba loogu qaadi lahaa caafimaad dibadda ah.