Diyaaradda ugu weyn uguna dheer Caalamka ee The Airlander 10 ayaa maanta ku dhacday dhul goof ah oo ku yaalla Deegaanka Cardington pp ku dhow magaalladda Bedfordshire  ee dalka Britain.
Diyaaradda The Airlander 10 waxay saakayto ku soo dhacday Deegaanka Cardington ee duleedka magaalladda Bedfordshire
Shilkaasi waxaa ku dhaawacantay Haweeney, waxaana la wada xiray Waddooyinka.
Goobjooge ayaa sheegay in Diyaaradda Markabka oo la dherer ah Garoonka K/cagta in ay cadcad ugu soo dhacday goof ku dhow RAF Cardington.
Sawiro laga soo qaaday Diyaarada ayaa muujinaya burbr xooggan oo ka soo gaaray qeybta hore ee sanka Diyaaradda (the aircraft’s front nose).
Diyaaradda The Airlander 10 waxay Duullimaadkii 6-aad ee Tijaabadda dhamaysatay Jimcihii shalay.
Diyaaradan oo culayskeedu dhamaa 20 Tan ayaa waxa uu dhererkeedu dhan yahay 92 mitir, waxaana lagu kharaj gareeyey 100 million oo Pound
Diyaaradaasi waxaa asal ahaan loo horumariyey, si ay Dowladda Britain ugu adeesato dhinaca Sirdoonka, balse markii dambe ayaa la go’aansaday inay dadka Dalxiixsayaasha ku tamashleeyaan.