Qoys ku nool Degmadda Seydikemer ee Gobalka Mugla ee K/galbeed ee dalka Turkiga waxay argagax ka qaadeen markii ay Rootiga nooca waa weyn ee la jarjaro laga dhex helay  nus dersin oo Ilko ah.
Warbaahinta Maxaliga ee dalkaasi waxay maanta baahiyeen Dhacdadaasi oo ka dhacday Degmadda Seydikemer, iyadoo Odayga Reerka oo rootigaasi quraac ahaan loogu geeyey ayaa arkay Ilka ku dhex jira Rootiga.
Waxa uu xaaskiisa si xanaaq leh ku yiri: “Maxaad ilkahaaga u soo dhex gelisay Rootiga?â€.
Xaaska oo 60-jir ahayd oo dhex joogtay Xero ay Ido ku siinaysay caws waxay u sheegtay Saygeeda inaysan iyada lahayn Ilkaha laga dhex helay Rootiga.
Maamadda oo la hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay in Ilkaheeda Macmalka ay ku jiraan Afkeeda, waxayse tilmaamtay in mid ka mid ah Shaqaalaha Foornadda Rootiga ay ilkihiisa ku dhaceen markii uu Rootiga samaynayey.
Waxay sheegtay in Milkiilihii lahaa Ilkahaasi uu imaan karo, si ay u siiso Ilahaasi oo lagu qiimeeyey 2,000 oo Lacagta Liiraha Turkiga.
Waxay Suxufiyiinta tusisay Rootigii ilkaha ku jireen oo ay kor u haysay, sida lagu soo daabacay Shabakadda Wargeyska Maalinlaha ee Hurriyet ee ka soo baxa Turkiga.
WQ; Ustaad Nuradin