Wasiirka Caafimaadka ee dalka Kuuba, Jose Portal waxa uu mar kale xaqiijiyey inaysan Dowladiisa joojinin dadaalka lagu sii dayn lahaa Labada Dhakhtar ee u dhashay dalkooda ee bishii April 12-dii laga qafaashay Degmadda Mandera ee W/bari ee Kenya.
Wasiirka oo shalay Suxufiyiinta kula hadlay caasimadda dalkiisa ee Havana waxa uu tilmaamay inay nool yihiin Labada Dhakhtar ee afduubka loo haysto, kuwaasi oo oo lagu kala magacaabo Assel Herrera iyo Landy Rodriguez.
Qoraal uu Wasiirka Cafaimaadka ee Kuuba, Jose Portal so odhigay Bartiisa Facebook-ga waxa uu ku xusay inay Maamulayaasha Kenya u xaqiijiyeen inay Labada Dhakhtar nool yihiin, isla markaana la qaaday dhamaan Tallaabooyinka suurtogalka ah oo iyagoo bad-qaba dib ugu soo laaban lahaayeen dalkooda hooyo.
Shabakadda Wararka ee Cubadebate ayaa qortay inuu Wasiirka Cafaimaadka ee Kuuba sheegay inuu dadaalka qeyb ka ahaa Wada-hadalkii Khadka Telefoonka ee uu Madaxweynaha Kuuba, Miguel Diaz-Canel kula yeeshay dhigiisa dalala Somalia iyo Kenya.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu beeniyey inaysan jirin cid ka codsatay wax shuruud ah oo lagu edelanayo xorriyadda La-haystayaasha, wuxuuna beeniyey warar ay qaar ka mid ah Warbaahinta horey u shaaciyeen in Lacago madax-furasho laga bixinayo Dhakhaatiir Kuubaanka ee afduubka loo haysto.