Wararka aan ka heleyno deegaano qiyaastii 50-KM dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi saakay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Jubbaland ay ka sameeyeen howlgalo ka dhan ah Al-shabaab.
Ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay deegaanka beerxaani oo Galbeed ka xiga Magaalada Kismaayo,isla markaana waxaa ay sheegeen inay ka qeyb doonaan dhanka amniga deegaankaas.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda dowlad goboleedka Jubbaland Khaalid Sheekh Cabdullaahi oo la hadlay shacabka deegaanka beerxaani ayaa waxaa uu u sheegay in Ciidanka Jubbaland halkaasi ay u tageen ilaalinta nabad galyada shacabka ku dhaqanka deegaanka.
Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in deegaano dhowr ah oo 50-KM dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ay ka saari doonaan dagaalamayaasha Al-shabaab oo halkaasi Saldhigyo leh.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Jubbaland waxaa ay howlgalo dhanka ah Al-shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubadda Hoose,iyagoona kula wareegay deegaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab.