Hadal qoraal oo ka soo baxay Ilaaladda Xeebaha ee dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay Tahriibayaashaasi la socdeen 10 dooni iyo Markab weyn.
16 Hawlgal ayaa la qaaday oo lagu soo badbaadiyey Tahriibayaashaasi oo la socday Doonyo ka soo shiraacday Xeebaha Libya, kuna sii jeeday Xeebaha Talyaaniga.
Ilaaladda Xeebaha, waxay kaloo sheegeen inay heleen maydadka 10-qof oo ka mid ah Tahriibayaasha, kuwaasi oo ku dhex geeriyooday gudaha ay la socdeen Tahriibayaasha la soo badbaadiyey.
Hay’adda Muhaajiriinta Caalamiga ee IOM ayaa sheegay inay Badda Mediterraneanka sannadkan ku geeriyoodeen 4,220 Tahriibayaal.
©Radio Dalsan