Iyadoo ay sii kordhayaan Baahida dhinaca Duullimaadyadda Gudaha Somalia ayaa waxaa soo badanayo Tirada Diyaaradaha yaryar ee isaga kala gooshayo magaallooyinka Somalia.
Shirkadaha Diyaaradaha ayaa sheegay inay korortay Rakaabka u kala safra Goballadda dalka, gaar ahaan magaallooyinka ay ka socdaan Doorashooyinka.
Waxaana la filayaa in maalinta Arbacadda ee soo socota si rasmi ahaan loo bilaabo Duullimaadka Diyaaradaha Rakaabka ku tegi doonaan magaalla-madaxda Maamulka HirShabelle ee Jowhar, oo ay haatan ka socdaan qabanqaabadda Doorashadda xubnaha HirShabelle ee Aqalka Sare ee Barlamaanka Federalka.
Duullimaadka Muqdisho ilaa Jowhar ayaa la sheegay in xilliga safarka hawada ee Muqdisho ilaa Jowhar ayaa la sheegay uu noqonayo 28 daqiiqo oo keliya, waxayna labadaasi magaalo isku jiraan masaafo dhan 90-KM.
Kharajka Duullimaadkaasi ee Halka Safar (One-way Ticket) ayaa la sheegay inuu qofkiiba yahay 70-Dollar.
©Radio Dalsan