Xarunta Villa Hargeysa ayaa Goordhow waxaa ka furmay mid kamid ah kulamadii caadiga ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, iyadoo looga doodayo laba Ajende.
Kulanka ayaa waxaa shir Guddoominayan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan, isla markaana waxaa ka qeyb galaya in ka badan 140 Xildhibaan.
Ajendaha Kulanka Maanta aya ah
1-Sii wadida Akhrinta dib u eegista Miisaaniyadda dowladda Federaalka ee sanadkaan 2020.
2-Qeybinta wax ka Bedelka Sharciga Lr. 75 Qodobkiisa 10-aad ee Muda Xileedka Guddiga Madax Banaan Ee Xuduudaha Iyo Federalka.