Kulanka golaha Shacabka oo su’aallo lagu weydiinayo masuuliyiinta hay’adaha amniga ee dalka ayaa ah mid albaabadu ay u xiranyihiin iyada oo ay goobjoog ka yihiin Wasiirka gashaandhigga,wasiirka amniga,taliyaasha ciidamada xogga iyo booliiska.
Warar lagu daabacay baraha Bulshadu ay ku kulantu ayaa lagu sheegay in taleefanada laga damiyay dhamaan xildhibaanada banaankana loo saaray shaqaalaha xarunta golaha shacabka.
Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay idaacda dalsan ayaa been abuur ku tlmaamay wararka sheegaya in taleefanada laga damiyay xildhibaanada hase’ahatee waxa uu tilmaamay in bananka loo saaray dhamaan shaqalaha baarlamaanka.