Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa goordhow ufurmay kalfadhiga 2aad ee fadhigiisa 2aad wuxuuna ugu socdaa xarunta Baarlamaanka ku shaqeeyo ee Magaalada Dhuusamareb ee Caasimada Galmudug
Kulanka uu shir gudoominaayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal ayaa waxaa soo xaadiray 52 Xildhibaan
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah, warbixinta Guddiyada joogtada, waxqabadkii kalfadhigii 1aad & qorshaha kalfadhiga 2aad iyo Dhameystirka Xubnaha gudiga joogtada.
Sidoo kale waxaa qayb ka ah ajendaha kulanka Maanta Dhaarinta Xildhibaan Cusub.