Shil ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa Laascaanood Iyo degaanka Gambadha ee Bariga Gobolka Sool, waxaana lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay shilkaas dhacay.
Shilka ayaa yimid kadib markii gaari nooca Soomaalidu u taaqanno Booyadda uu jiiray Geel farabadan waddada soo galay, waxaana dad goob joogayal ah ay sheegeen in Geelu uu fadhiyay waddada kadibna uu gaadhigu ku yimid.
Khasaaraha ayaa ah ku dhawaad Labaatameeyo Geel ah oo halkaasi ku baaba’ay, degaanka uu shilku ka dhacay oo ah dhul baaddiye ah ayaan jirin Ciidan ama gurmad kale oo gaaray sida la sheegayo.
Wali maamulka Gobolka Sool iyo mas’uuliyiinta Somaliland kama hadlin arrintaan, waxaan muddooyinkii danbe soo badanayay Shilalka ka dhaca degaanada Somliland, inkastoo shilkaani yy ka duwan yahay shilalkii horay uga dhici jiray Degaanadaas.