Kulan Sagootin ah oo loo sameeyay Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Maanta Waxaa ay kulan Sagootin ah ay u sameeyeen Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mustaf Shiikh Cali Dhuxuloow.

Kulanka Sagootinta Waxaa ka qeyb galay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Masuuliyiin kale oo ka Tirsan Wasaaradaasi.

Mustaf Shiikh Cali Dhuxulow ayaa amaanay dhamaan xubnihii Lasoo shaqeeyay, Waxaana uu ku baaqay in lala Shaqeeyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor