Madaxweynaha maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee kala ah UCUD iyo Wadani ayaa haatan kulan waxa uu uga socdaa madaxtooyada maamulkaas.
Kulanka oo ah mid ay Albaabadu u xiranyihiin ayaa looga hadlayaa khilaafka mud aka dhex taagnaa Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada mucaaradka,iyada oo la filayo in heshiis laga gaaro khilaafka guddiga doorashada.
Dhinaca kalana warar la helayo ayaa tilmaamaya in kulanka ay qeyb ka uihiin Wefdi ka socda midowga Yurub oo dhexdhexaadinayay labada dhinac akuwaas oo Hargeysa u tegay sidii loo xalin lahaa xiisada siyaasadeed ee ka dhalatay arrimaha doorashada Somaliland.
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in lagu heshiin doono in guddiga doorashada ee hadda jooga ay qabtaan doorashada iyadoo kuwii horana farsamo ahaan loogu xoojin doono sida ilo xog ogaal ay ay tilmamaayaan.