Sawirro:-Ciidamada Booliska oo howlgal ay ka sameeyeen Caabudwaaq kusoo qabtay Khamri

Ciidamada Booliiska Soomaaliya oo saacadihii lasoo dhaafay howlgal ka weday degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Gal-gaduud ayaa ka warbixiyay howlgalka iyo qaabkii uu u dhacay.

Howlgalka oo laga sameeyay baraha Koontaroolada iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada C/waaq ee waqooyiga gobolka Gal-gaduud ayaa lahusoo qabtay Khamri fara badan oo dhalooyin ku jiray.

Taliska Booliiska Soomaaliya ee ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa markii ay soo bandhigeen Dhalooyinka Khamriga oo gaarayay 100-xabbo waxa ay ku gubeen fagaaro ku yaalla degmada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media