Xafiiska Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa waxaa loo Magacaabay Agaasime Cusub oo dhanka Warfaafinta ah,waxana xilkaas loo Magacaabay Yacquub Maxamed Cabdalla.
Baaritaano dheer kadib ayaa Warar ay heshay Dalsan waxa ay sheegayaan in Yacquub Maxamed Cabdalla uu mar soo noqday ku xigeenkii hore ee Duqa Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa Sanadkii 2014,kii waxa uu ku xigeen u ahaa Duqii hore ee degmada Gaalkacyo Maamulka Puntland Cabdi Casiis Jaamac Nugaal,kadib doorasho Golle deegaan oo lagu qabtay Magalada Gaalkacyo.
Yacquub Maxamed Cabdala ayaa sidoo kale ka mid ahaa Wariyaasha ugu caansan gobolka Mudug,isaga oo howlgeli jiray Radio Gaalkacyo sidoo kalena Wakiil uga ahaa Tv-ga Universal.
Hadda Cabdi Casiis Jaamac Nugaal waxa uu yahay Agaasimaah Xafiiksa Ra’iisul Wasaaraah soomaaliya Xasan Cali kheyre uu uu u qaabil sanaan doono dhanka Saxaafadda.