Dhageyso:-Madaxweyne Gaas oo Imaaraadka kaga dhawaaqay in Puntland heshiisyo la geli karto Dowladdo & Shirkado

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo weli ku sugan Magalada Abu Dhabi ee Wadanka Imaaraadka Carabta ayaa shir jaraa’id uu Warbaahinta halkaasi ugu qabtay waxa uu ku sheegay in Puntland aysan cidna kala tashaneyn heshiisyada ay galeyso,isla markaana ay xaq u leedahay in ay heshiisyo la gasho Shirkado iyo dalal kale intaba.

Shirkiisa jaraa’id oo uu ku baxayay luuqada Englishka ayaa Sidoo kale waxa uu ku sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta tay dowladda kaliya uu taageerada weyn ka helo Maamulka Puntland,isla markaana ay ku nool yihiin Ganacsato farabadan oo Soomaaliyeed mudana ku sugnaa dalkaas.

Cabduweli Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntland oo shirkiisa jaraa’id aad u dheeraa ayaa cadeeyay in Puntland xaq u leedahay gelista heshiisyo kasta oo horumarineyd.

“Runtii waxaan cadeynayaa in Puntland ay mar kasta xaq u leedahay in ay heshiis la gasho shirkado iyo dowladdo,Soomaliya ma aha Muqdisho,Muqdishana ma aha Soomaaliya,laakin mar walba majirto wax naga hor isatagaya in ay heshiisyo Cuusb galno ayuu yiri Madaxweyne Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in dowladda Soomaaliya  dhismaheeda uu ka horeeyey Maamulka Puntland,waxa uuna sheegay in dowladda la dhisay Sanadkii 2004 laakin Puntland uu yahay Maamul ka horeeyay dowladda kaas oo la dhisay Sanadkii 1998,dii Sida uu hadalka u dhigay.

Gaba gabadii ayuu shegay in Dastuurka Puntland qodobkiisa 54aad uu qorayo in Puntland ay awood buuxda u leedahay in ay heshiisyo la gasho Shirkado iyo dalal kale intaba.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta kaas oo sababay in Imaaraadka ay joojiso tababarkii ay siin jirtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha Puntland oo ku baxaya luuqada English-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media