Haweeney Shaqaale ka ah Hay’adda Lacagaha Adduunka ee IMF ayaa waxay dhaawac ka soo gaareen  Wejiga iyo Gacmaha, kadib, markii ay ku qaraxday Baqshad la soo geliyey qarax.
Boliska ayaa sheegay inuu qarxaasi ka dhashay Bam nooca guryaha lagu farsameeyo.
Dhinaca kale, 8-qof ayaa ku dhaawacantay Toogasho maanta ka dhacday Dugsi Sare oo ku yaalla Degmadda Garase oo ku taall Koonfurta dalka Faransiiska.
Boliska waxy xireen Arday 17-jir ah oo watay 2 qori iyo 2 Bam-gacmeed, waxayna meesha ka saareen iay Toogashadaasi ahayd weerar ay kooxo kale ka dambeeyaan.
Ilo-wareed kale ayaa sheegay in ay 2 arday oo hubeynaa ay dhaawacmeen Mamulihii Dugsigooda.
©Radio Dalsan