Kooxo hubeysan oo dilka geystay Magalada Muqdisho

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay ka soo baxayaan rag hubeysan oo askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ku dileyn Magalada Muqdisho,iyaga oo dilka kadib ka qaatay qori uu watay.

Askari ayaa waxaa lagu diay Isgoyska Siinaay,xilli uu ku guda jiray howshiisa Shaqo sida ay sheegeen dad ku sugnaa goobta markii uu dilka dhacayay.

Ciidamo ka tirsan Saldhiga Booliska Warta Nabadda ayaa gaaray goobta dilka uu ka dhacay, waxayna halkaasi ka qaadeen maydka askariga la dilay.

“Anaga oo ganacsigena ku jirna ayaan aragnay rasaas dhaceysa kadib askari ka tirsanaa Ciidamada booliska  ayaa meesha ku dhintay raggii dilay qorigii uu watay ayay ka qaateen weyna carareen,waxyar kadib ciidamo ayaa yimid oo meydkii goobta ka qaaday majirin wax howlgal ah ay sameeyeen ayuu yiri qof ku Ganacsanayey Isgoyska Siinaay.

Ugu dambeyn meydka askariga ayaa waxaa la geeyey Xarunta dambi-baarista CID-da,waxaana caadi ku soo laabtay isku socodka dadka iyo gaadiidka oo daqiiqado hakad galay markii uu dilka dhacay.

Comments
Loading...