Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay xalay fiidkii Wiil Dhalinyaro ahaa ku dileyn gudaha deegaankaas.
Wiilka dhalinyarada ah ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Cabdirashiid Daahir Xasan,ayaa xilliga la dilayey waxa uu ka soo baxay goob Ganacsi oo ku taalla halka loo yaqaano Quraca Dhimbil,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in kooxdii dishay ay ka qaadatay Gaari nooca raaxada ah ee uu watay.
Dadkii ku sugna goobta lagu dilay Cabdi Rashiid ayaa ku soo xoomay maadaama laga yaqaanay deegaanka,isla markaana uu ka mid ahaa dadka ku nool deegaanka Ceelasha Biya,waxana mudo kadib halkaasi tegay oo meydkiisa ka soo qaaday eheladiisa.
Majirto cid ilaa iyo hadda sidhab ah u og waxa loo dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa,waxana dadka deegaanka ay sheegeen in uusan ku lug laheyn wax Siyaasad ah,isla markaana uu ahaa Arday.
Dhacdooyinka la xiriira dilalka qorsheysan ayaa si caadi ah waxa ay uga dhacaan Magalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaana unta badan loo geystaa askarta ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya balse dilka xalay ka dhacay Ceelasha uu yahay mid ka duwan kaas maadama Shaqsiga la dilay uu ahaa arday.