Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kormeer indha-indheyn ah ku tagay Teendhada Afisyooni oo ay ka socoto qaban 10-aabada doorashada Madaxweynaha,
Guddoomiyaha ayaa gudaha Teendhada Afisyooni kulan kula qaatay saraakiisha ciidanka nabad ilaalinta ATMIS iyo kuwa amniga ee Soomaaliya. Saraakiisha ayaa la faray in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah si ay u qabsoonto doorashada madaxweynaha.
Ugu dambeyn Guddoomiye Sh. Aada ayaa mid mid u dul istaagay goobaha loogu tala galay in ciidamada ammaanka ay ku shaqeeyaan. Guddoomiyaha wuxuu amray in dadka aan lagu xadgudbin lana faray in waajibaadkooda ay u gutaan si hagar la’aan ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Saraakiisha Ciidamada ATMIS ee uu la kulmay ku boggaadiyey inay gutaan waajibaadkooda shaqo mas’uuliyadda ka saaran ilaalinta Amniga doorashada Madaxweynaha oo 15-ka bishaan May ka dhaceysa Muqdisho.
15-ka bishaan May 2022 ayaa lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Teendhada Afisyooni ka dhacdo doorashada Madaxweynaha 10-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana socda olole doorasho oo ay wadaan Musharaxiinta Madaxweynaha.