7 Dhallinyarro Somali ah ayaa la soo taagay Maxkamadda The Bristol Crown Court ee magaalladda Bristol ee dalka Britain, kuwaasi oo lagu soo oogay inay ku xad-gudbeen gabdho da’doou ka yar tahay 13-sanno.
Gabdhahaasi oo da’da 12-aadka ku jiray ayaa Maxkamadda u sheegay inay raggaasi kula kaceen Kufsi, inay cabsiiyaan Khamri iyo Daroogo, kadibna ay rag kale lacago kaga qaateen Falkaasi.
Dacwad-ooge Anna Vigars ayaa u sheegtay Maxkamadda The Bristol Crown Court in gabdhahaasi oo sababo dhinaca Sharciga magacyadooda loo sheegi Karin inay xiriir la lahaayeen raggaasi, laguna khasbay Daroogo iyo Kufsi, waa sida ay hadalka u dhigtay.
Eedeysanayaasha oo ay bilowgii bishan bilaabantay Dacwadooda ayaa ku eedeysan 46 kiis, oo ay ku jiraan kufsi, tacadi loo geystay gabdho da’doodu ka hosoeyso 13-jir iyo inuu gabdhahaasi jirkooda ka ganacsadaan iyo Xabsi been abuur ah.
Magacyadda Toddobadda Eedeysane ee lagu soo oogay Fal-dembiyeedyadaasi ayaa kala ah:-
Sakariya Sheikh, oo 23-jir ah,laguna nanaayso Zak
Abdirahman Galal,oo 26-jir ah, laguna naanayso Ramsey
Mohammed Osman,oo 29-jir ah, laguna naanayso“I-Man”;
Mohammed Dahir, oo 24-jir ah, laguna naanayso Kamal
Nuridin Mohamoud oo 22-jir ah, laguna naanayso Ahmed;
Abdirashid Abdulahi, oo 23 jir ah, laguna naanayso Older Abs”;
Nasir Mahamoud, oo 23-jir ah, known as “Ace”.
Dhinaca kale, Maxkamadda The Bristol Crown Court waxay dhegeysiag dacwadaasi dib u dhigtay ilaa maalinta Khamiista ee soo socota.
©Radio Dalsan