Howlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Magaalada Gaalkacyo

Ciidanka Booliska Maamulka Puntland ayaa habeenkii xalay aheyd howlgalo ka sameeyay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, kadib markii qof kamid ahaa dadka deegaanka halkaas lagu dilay.

Ciidanka Puntland ayaa howlgalka ka sameeyay inta badan xaafaddaha ku teedsan halka uu ku yaalla Masaajidka Abuu Hureyra ee Gaalkacyo oo xalay lagu dilay Nin lagu magacaabi jiray Siciid Jaamac Kulan (Siciid Manadona).

Warar la helayo ayaa sheegaya in howlgalka ay Ciidamada ku qabteen dad u badan dhalinyaro , kuwaasi oo qaar kamid ah looga shakiyay falal amni darro oo dhacay, isla markaana laamaha amniga ay ku wadaan baaritaano kala duwan.

Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland oo ku sugan Gaalkacyo ayaa sheegay in weli la baadi gaabayo wiil dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolad oo gudaha Masjidka Abuu Hureyra ku dhex dilay  Siciid Jaamac, xili laga soo baxay Salaadii Maqrib.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa uu ahaa Nin taksiile caan ah oo ka dhex-shaqeyn jiray Magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, welima oga sababta loo dilay, iyadoona  dadka deegaanka ay sheegeen inuu ahaa taksiile.

Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca weeraro iyo dilal qorsheysan oo ay geystaan dhalinyaro ah ku hubeysan Bastoolado, waxaana inta badan falalkaas sheegta Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media