Kiiskii Labaad ee CoronaVirus oo laga helay Magaalada Muqdisho

Wasiirka caafimaadka xukuumadda fedraalka Soomaaliya DR Fowsiya Abiikar Nuur oo shir jiraa’iid ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaadday in wasaaraddu ay xaqiijisay qofkii labaad ee qaba xanuunka Coronavirus.

Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay qofkaan uu ka mid yahay dadka lahayo islamarkaana haatan xaaladda qofkaas ay aad u wanaagsantahay laguna ogaaday baaritaan lagu sameeyay.

Qofka laga helay caabuqa Corona ayaa ah mid ka mid ah saraakiisha ciidamada ee dhowaan Tababarka u aaday Talyaaniga kadibna kusoo laabtay Magaalada Muqdisho iyada oo la karantiilay isaga iyo 3-qof oo kale oo la socotay kadibna baaritaan lagu sameeyay kadib maanta la ogaaday in uu qabo Coronavirus sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Dhinaca kalana waxa ay baaq u dirtay shacabka Soomaaliyeed iyada oo ku baaqday in dadku ay joogaan guryahooda kana fogaadaan meelah dadka badani iskugu yimaadaan sida Maqaayadaha Iskuulada Jaamacadaha iyo in la yareeyo isku socdka aadka u faraha badan si loo xakameeyo maadaama uu yahay xanuun si fudud lagu kala qadi karo.

 

Comments
Loading...