Kiiska Haweeney kufsi iyo dil loogu geystay Garoowe oo Maanta la dhageysanayo

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal ayaa Maanta oo Arbaco waxaa markii saddexaad ay dhageysan doontaa Kiiska 7 nin oo lagu eedeeyay inay fal kusfsi iyo dil ah Magaalada Garoowe ugu geysteen Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste).

Maxkamadda ayaa muddo laba jeer ah dib u dhigtay dhageysiga Kiiska ragga lagu eedeeyay inay kufsi iyo dil u geysteen Hodan  Shanlayste, waxaana markii ugu dambeysay Codsaday in Kiiska dib loo dhigo qoyska marxuumada.

Sababta ay Qoyska u Codasadeen ayaa waxaa uu Xeer Ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw Cismaan ku sheegay inay tahay in aabbaha dhalay Hodan uu maqan yahay, isla markaana ay doonayan in goobjoog ka ahaa Maxkamadda.

Maanta ayuu qorshahu yahay inay Maxkamadda Darajada Koowaad ee Gobolka Nugaal dhageysato Kiiska 7 nin oo lagu eedeeyay Kiiskaas, waxaana Ehelada Marxuumda ay sheegeen in aabaha dhalay  gabadh ku sugan yahay Magaalada Garoowe.

Hodan Axmed Maxamed (Shanlayste) waxay ahayd haweeney Xaamilo oo 11-kii April ee sanadkii tegay ee 2019 fal isugu kufsi iyo dil loogu gaystay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka Puntland.

Comments
Loading...