Suuqa Ganacsiga Boosaaso oo Maanta xiran iyo sababta oo la shaaciyay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta oo Arbaco ah uu xiran guud ahaan Suuqa Ganacsiga Magaaladaas.

Xirnaanshaha Suuqa ayaa yimid ka dib markii ganacsatadu ay cabasho ka muujiyeen, canshuur dheeriya oo ay sheegeen inay kusoo kordhiyeen Maamulka Magaalada Boosaaso, isla markaana taasi ay keentay in la xiro Suuqa.

Qaar kamid ah Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen in lacagtii Canshuurta aheyd ee horey looga qaadi jiray lagu soo kordhiyay lacag dheeraad ah oo aysan awoodin, iyadoonta intaas kadib Maanta oo Arbaco ah la xiray Suuqa Magaalada Boosaaso.

Sawirro laga soo qaaday Suuqa Boosaaso laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in gebi ahaan Albaabada loo laabay goobaha ganacsiga ee Suuqa, isla markaana xitaas uusan jirin isku socodka dadka.

Maalmo kahor ayay aheyd markii la xiran Suuqa Ganacsiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee dhinaca maamulka Puntland, waxaana Ganacsatada Suuqaas ay ka cabanayeen Canshuur dheeriya oo ay ku soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Maamulka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media