Kiimiko qaraxday oo dishay 44 ruux

Warshad kiimiko oo ku qaraxday dalka Shiinaha ayaa dishay ugu yaraan 44 ruux, waxaana ku dhaawacmay 90 ruux oo kale, sida ay ku warrantay warbaahinta dawladda.

Qaraxa ayaa ka dhacay shirkadda kiimikada samaysa ee Tianjiayi oo ku taalla magaalada Yancheng ee dalka Shiinaha.

Qaraxan ayaa dabo socday dab ka kacay warshadan oo samaysa waxyaabaha bacriminta loo adeegsado.

Waaxda dhulgariirka qaabilsan ee dalka Shiinaha ayaa ku warrantay in dhulku uu gariiray 2.2 marka uu qaraxu dhacay.

Sawirro baraha bulshada la soo dhigay ayaa muujiyay goobta qaraxday iyo qiiq hawada isku shareeray, dad dhaawac ah iyo dhismayaal ay waxyeello soo gaartay.

Xigasho BBC Somali

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media