Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in kulan aan caadi aheyn ay ku yeeshaan Magaalada Dhuusamareeb.
Kal-fadhiga Xildhibaanada ayaa Maanta waxaa Khudbado looga dhageysan doonaa Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo ay diiwaan-geliyeen Guddiga Doorashada.
Musharaxiinta ayaa Xilldhibaanada Galmudug u jeedin doona Khudbado ay uga hadlayaan waxqabadkooda siyaasadeed ee ku aadan dowlad Goboleedka Galmudug.
Guddiga Doorashada ayaan shaaciyay in Maanta 9 Musharax Khudbado jeedin doonaan, waxaana 5-musharax ay u tartamayan xilka Madaxweyne ku-xigeenka, halka 4-ta Musharax kalena u taagan yihiin xilka Madaxweynaha Galmudug.
Maanta oo Arbaco ah hadii la wada dhageysto Khudbada Musharaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Galmudug, taasi ayaa ka dhigan in Maanta barri oo Khamiis ah ay dhici doonto Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku-xigeenada.
Si kastaba Doorashada Galmudug ayaa waxaa ka taagan Khilaaf siyaasadeed oo xoogan, isla markaana u dhexeeya dowladda Federaalka, Ahlusunna iyo qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug, waxaana dowladda lagu eedeeyay inay afduubatay dowadda Galmudug