Wararka ka imaanaya magaaladda Beledweyn ayaa sheegay in la gaarsiiyay afar qofood goobaha caafimaadka, dadkaas oo la ildaran cudurka shubanbiyoodka ,kusimaha agaasimaha isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne Dr. Cabdi-xaliil oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in tirada dadka qaba cudurka shubanbiyoodka ay aad uu korortay.
Wuxuu ku daray diyaariyeen xaruumo khaas oo lagu daryeello dadka uu soo rito cudurkaasi.
Dr Xaliil ayaa hoosta ka xarriiqay in loo baahan-yahay faydhowar deegaanka in la hagaajiyo sii looga badaado xanuunkaas ,aynaa wadaan sidii looga hortagi lahaa dadka u soo ritay shubaanka ee la ildaraan kuwaas oo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka si ay u helaan daryeel caafimaad.
Dr. Xaliil ayaa tilmaamay in tirada dadka la ildaran cudurkaasi ay garyaan ku dhawaad Sagaashan ruux marka lagu daro Afarta ruux ee saakay cudurku soo ritay la naa geeyay isbitaalka magaalada Beledweyn.