Waxaa Goordhow Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda maamulka Galmudug gaaray Wafdi uu hogaaminayo Taliayaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) ,iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Taliyaha iyo wafdiga la ka socday ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Wasiirka arrimaha Gudaha dowladda Federaalka Cabdi Maxamed Sabriye iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.
Sidoo kale Wafdiga Taliye Indha-Qarshe ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko,Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreye guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo Saraakiil kale oo ka tirsan dowladda.
Ujeedka Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Soomaaliya u gaareen halkaasi ayaa waxaa ay tahay,kadib markii Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljameeca ay Aqbaleen inay Magaalada Dhuusamareeb ka howlgalan dhammaan Hay’addaha amniga dowladda Federaalka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa faray hey’adaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galaan magaalada Dhuusamareeb si gogosha laga fidiyay ay ugu qabsoonto sida ugu habboon, looguna guulaysto dhismaha Galmudug loo dhanyahay sal adag oo u adeegta dadkeeda iyo ummadda Soomaaliyeed.