Khasaaro badan oo ka dhashay dagaal beeleedyo ka dhacay duleedka Kismaayo

Maalmihii lasoo dhaafay deegaano duleedka ka ah Magaalada Kismaayo Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka dhacayay dagaal beeleedyo u dhexeeyay laba Maleeshiyo beeleed oo hubeysan oo halkaas wada dega.

Dagaalkaan u dhexeeyay Maleeshiyaadka ayaa waxaa uu sigaar ah uga dhacayay deegaan lagu Dalsan oo ku yaalla dukeedka Kismaayo, isla markaana waxaa uu dagaalka salka ku hayaan Ceel-biyood laga qoday halkaas.

Sidoo kale dagaalka ayaa intii uu socday waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada maleeshiyo beeleed iyo dad shacab oo ku sugnaa deegaanka ay Colaadu ka dhacday.

Wasiirka warfaafinta Maamulka Jubbaland oo la hadlay VOA ayaa waxaa uu u sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro badan, waxaana uu tilmaamay in halkaas ay ku dhinteen in badan 23 qof, halka tobaneeyo kalena uu dhaawac soo gaaray, kuwaasi oo la geeyay  Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa waxaa uu tilmaamay inay socdaan dadaalo lagu joojinayo dagaalkaas, isla markaana ay wadaan maamulka Jubbaland iyo waxgaradka kasoo kala jeeda labada beelood.

Dhinaca kale Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday deegaanka Dalsan ee Gobolka Jubbada Hoose.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media