Wasiirka Amniga Jubbaland oo Goordhow gaaray Gobolka Gedo

Wararka aan ka heleyno Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo  ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow halkaas uu gaaray Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo saddexdi maalin ee lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Nairobi.

Wasiir Janan ayaa waxaa Degmada Balad-xaawo siweyn ugu soo dhaweeyay maamulka Degmada, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada halkaas ku dhaqan.

Wasiirka amniga Jubbaland ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya oo uu gaaray Jicmihii lasoo dhaafay, waxaana intii uu ku sugnaa Kenya la sheegay inuu la kulmay Madaxweyne Axmed Madoobe.

Taliska Ciidanka Booliska dowladda ayaa shaaciyay in 28-ka Bishii Janaayo ee 2020 uu xabsiga ka baxsaday Wasiir Cabdirashiid Janan, isagoona maalmo kadib Doon ku gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose una sii gudbay Kenya.

Sidoo kale Wasiirka ayaa waxaa la sheegay in Goordhow Degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo uu kula hadli doono warbaahinta, isagoona faah faahin ka bixin doona Xarigii dowladda Federaalka ugu geystay Magaalada Muqdisho.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dawladda Kenya inay qabato Wasiirka Amniga ee Jubbland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, isla markaana ay u gudbiso dawladda Soomaaliya si maxkamad loo saaro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media