Khasaare ka dhashay Weerar Hoobiyeyaal ah oo lagu Garaacay Maxaas

Dagaalamayaasha AL-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in Tiro Hoobiyayaal ay xalay ku garaaceen xaafado kamid ah degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,waxaana kasoo baxaya warar dheeraad ah oo ku aaaddan Weerarkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helayno Maxaas ayaa Tilmaamaya in hal qof oo shacab ah uu ku dhaawacmay, Hoobiyeyaal AL-Shabaab ay ku weerareen Degmadaasi.

Weerarka AL-Shabaab kadib waxaa la sheegay in Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ATMIS ay jawaab adag ka baxiyeen weerarkaasi huubiyayaasha aha.

Waxaana Wararku intaas ay ku darayaan in Ciidamada dowladda iyo kuwa  Itoobiya oo xili hore helay xogta weerarka Al-Shabaab ay difaacyo adag ka sameestay deegaanno dhaca duleedka Bari ee Maxaas.

Maamulka Degmada iyo laamaha ammaanka wali wax war ah kama aysan soo saarin, balse dadka degaanka ayaa soo sheegaya in xalay ay cabsi aad u weyn soo foodsaartay, maaddaama ay halis u galeen in Hoobiyeyaasha ay haleelaan guryahooda.

Degmada Maxaas iyo degaanno kale oo dhawr ah oo ka tirsan Gobolkaaasi ayaa ka mid ah degmooyinka iyo degaanada ka tirsan Gobolka Hiiraan ee dhawaan ka baxay gacanta AL-Shabaab, kadib dagaallo Culus oo dhexmaray Ciidanka Macawislayda iyo kuwa dowladda oo isku dhinac ah iyo AL-Shabaab.

 

About Webmaster

View all posts by Webmaster
%d bloggers like this: