Ciidamada Israa’iil ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku garaacay Talaadadi shalay magaalada caasimadda ah ee Beyruut ee ku taal koonfurta dalkaasi Salaasadii, halka ugu yaraan 20 qof ay ku dishay duqeymo kale oo ay ku bartilmaameedsatay bartamaha Lubnan shalay.
Duqeymihi shalay ee Beyrut ayaa lagu sheegay kuwi ugu cuslaa oo ay Isra’il maalin cad ku beegsato meelaha ay Xisbullah ka taliso ee dalka Lubanan.
Isra’il waxay sheegtay in ay garaacday bartilmaameedyo ay Xisbullah ku leeyihiin deegaanka Daaxiya ee magaalada Beyrut. War ay goor danbe oo shalay ah soo saartay ayay ku sheegtay in ay burburisay inta badan baqaarrada hubka ee Xisbullah.
Dhanka kale, Xisbullah ayaa iyaduna Talaadadi shalay madaafiic ku garaacday waqooyiga Isra’il. Laba qof ayaa ku dhintay kaddib marki uu madfac ku dhacay xaafado la deganyahay oo ka tirsan magaalada Nahaariya ee waqooyiga Isra’il.
Xisbullah ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi. Waxay sheegtay inay weerarka uu ku wajahnaa saldhig millatari oo ku yaalla bariga Nahaariya.