Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Mudug ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay isku soo dhiibeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ka hawlgala gobolkaasi. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tiro gaaraysa todobo dagaalyahan oo ka tirsanaa Al-Shabaab ay si rasmi ah isu soo dhiibeen, taas oo lagu soo bandhigay sawirrada dagaalyahannadan oo ku sugnaa goobaha ciidamadu ay gacanta ku hayaan.
Guddoomiye ku-xigeenka degmada Xarardheere, Maxamed Abshir Jiirow, ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Dowladda in dagaalyahannadan ay si nabad ah ugu soo biireen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka hawlgala aagga Xarardheere. Sidoo kale, wuxuu xusay in hawlgallo baaritaan ah oo ballaaran ay socdaan, gaar ahaan meelaha howdka ah ee hoos yimaada Xarardheere, halkaas oo la tuhunsan yahay in xubno kale oo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhuumaalaysi ku jiraan.
“Dhallinyaradan ayaa markii la wareystay sheegay in aysan u adkeysan karin duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee ay kala kulmayaan ciidamada xoogga dalka iyo shacabka deegaanka Galmudug, taasoo keentay in ay go’aansadaan in ay isku soo dhiibaan Dowladda,” ayuu yiri Guddoomiye ku-xigeenka Xarardheere.
Xarardheere oo muddo dheer ahayd mid ka mid ah saldhigyada muhiimka ah ee Al-Shabaab ayaa dhowr sano ka hor laga qabsaday, iyadoo ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka ay dib ugu soo celiyeen gacanta dowladda iyo nabadda deegaankaasi. Tan iyo markii la xoreeyay, Xarardheere ayaa noqotay goob ammaan ah oo ay ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka iska kaashanayaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen in Al-Shabaab aysan dib ugu soo laaban.